Somali Ecological Society (SES)

Promoting the study and sustainable use of natural resources in the Horn of Africa
You are here: Home > Publications > Xaalufka iyo Dhibaatooyika Gumaadidda Dhirta
P u b l i c a t i o n s

XAALUFKA IYO DHIBAATOOYIKA GUMAADIDDA DHIRTA

 

Hordhac

Faa'iidooyinka dhirtu u leedahay nolosha bini'aadamku, gaar ahaan dadka ku nool wadamada soo koroya ma aha mid la soo koobi karo, waxaana ka mid ah daaq, hadh (hoos), dhuxusha/xaabadda, qoryaha guryaha lagu dhisto, daawooyin, iyo qaar kale oo fara badan.

Intii ka horeysey 1991, dhoofinta xoolaha nool waxay aheyd laf-dhabta dhaqaalaha Soomaaliya, taas oo soo gelin jirtey dalka lacagta adag ee uu dalku u baahnaa. Sidoo kale wixii ka dembeeyey 1991, dhoofinta xoolaha nool waxay aheyd mid aad u kabta dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan ku dhaqan Soomaaliland intii aan wadanka Sacuudi Caraabiya, caafimaadka xoolaha darted u joojin soo gelinta xoolaha Soomaalida.

Gumaadidda dhirta lagu hayo, si loogu daboollo baahidda dhuxusha iyo xaabadda ee jirta ayaa ah mid sii kordhineysa xaalufka, isla markaana khatar galineysa nolosha xoolaha, iyo dadkii ku noolaaba. .Waxaa taas ka sii daran in dad yar oo ganacsato ahi, ay dibedda u dhoofiyaan dhuxusha taas oo haddii aan wax laga qaban khatar weyn ku ah guud nolosha dadka Soomaaliyeed.

Haddaba waxaan qoraalkani aanu ku faaleyneynaa baahidda dhuxusha iyo xaabadda sii kordheysa, in dhir daboolli kara baahiddaasku hadhay Soomaaliya iyo Soomaliland. Waxaan kaloon ku eegeynaa talaabooyinka lagama maarmaanka in loo qaado si deg-deg ah si loo badbaadiyo deegaanka dadka, dhirta ama keymaha yare ee ku hadhay oo ay nolosha dadka beeraleydda iyo xoolo dhaqataduba si toos ah ugu tiirsan tahay.

Baahidda iyo isticmaalka dhuxusha
Xaabadda warshadaha yaryar, sida kuwa nuuradda lagu shido, cusbitaalada, xarumaha ciidamadda, ardeydda iyo goobaha lagu sameeyo rootigga (Furunka). Halka dhuxusha laga sameeyo oo kaliya geedo tiradooddu xadadan tahay, xaabada waxaa loo waxaa laga sameeyaa geedo aad u fara badan.

 Baahidda dhuxusha iyo xaabadu aad ayey u korodhay dunidda oo dhan, gaar ahaan wadamadda soo koraya. Daraasaddo laga sameeeyey Soomaaliya intii u dhaxaysay 1980 -1988 waxaa lagu qiyaasey dhuxusha Soomaaliya laga isticmaali jirey inta u dhaxaysa 60,000 -80,000 oo tan, taas oo 50% ay isticmaalli jireen dadka ku nool Muqdishu. Intii ka horeysay 1991, soo saaridda dhuxusha waxaa masuul ka ahaa iskaashatadda Cadceed, oo sharci u haysatay. Faahfaahin dheeraad oo ku saabsan , dhuxusha Cadceed geysay Muqdisho sannadihii u dhaxaysay 1973- 1987, waxaad ka heli kartaa jaantuska (1)

Jaantuska(1) Dhuxusha Iskaashada Cadceed ku Dajisey Muqdishu 1973 -1987

Sannada

Dhuxusha (Tan) 1tan -1000Kg

1973

26 072.5

1974

36 689.8

1975

38 648 .0

1976

5 778.0

1977

26 065.4

1978

25 436.9

1980

25 624.3

1981

36 000.0

1982

38 000.0

1983

40 000.0

1984

41 090.0

1985

47 765.0

1986

54 504.0

1987

64 925.0

Geedka Galoolk, Acacia Bussie, ayaa ah geedka ugu badan ee dhuxusha laga sameeyo, gobolka Baay, sida badana dadku jecel yihiin, maadaama tayada dhuxusha laga sameeyo ay tahay mid aad u sareysa.

Waxaase kale oo xusid mudan, in geedkani ka mid yahay geedaha ugu faa'iidooyinka badan waayo, caleentiisa waxay baad u tahay xoolaha, wuxuu kordhiyaa nafadda ciida, waxaa laga hadhsadaa kulka qorraxda, qorigga geedkani waxaa dadku u isticmaalaa dhismaha guryaha iyo qaar kale oo badan. Markii uu yaraadey Galoolku ayaa ay ganacsatadu bilaabeen iney isticmaalan geedaha kale siiba Cadaadda, Acacia Senegal.


Xaalufka iyo Dhibaatooyika Gumaadidda Dhirta

Dhoofinta dhuxusha waxay aheyd ganacsi si caadi ah dalka Soomaliya uga socda ilaa sannadkii 1969. Waxaa lagu qiyaasey in ilaa 40,000 oo tan oo dhuxul sannadkii laga dhoofin jirey dalka, loona dhoofinjirey wadamada ku yaal gacanka Carabta. Mudaddii u dhexaysey 1969- 1991 ma jiraan wax cadeyn oo tilmaamaya in dhuxul dalka dibedda looga dhoofinj jirey.

Intii ka horeysey 1991, waxaa jirtey siyaasad iyo sharci ku saabsan sidii looga hortgai lahaa gumaadidda dhirta iyo deegaanka ,oo ay ka mid aheyd in la siiyo ruqsad dadka soo saara ama ka ganacsada dhuxusha. Hase yeeshee, ma jirin awood lagu hubiyo in dadka haysa ruqsadda soo saarida dhuxushu iney tixgaliyaan ama ilaalinayaan sharciga oo aaney jarin geedaha qoyan, isla markaana aysan deegaanada la degan ama ay xooluhu daaqaan laga shidin dhuxusha .

Dad ganacsato ayaa ah oo aan sidaas u sii badneyn, ayaa dhuxusha si a sharci darro ah dhuxusha u soo saari jireen intii ka horeysey 1991, taas oo aan la garan karin inta ay dhamayd ama le'ekeyd , waxaase lagu qiyaasay iney u dhawayd 10-20% dhuxusha lagu isticmaali jirey dalka, Sidaas oo kale , ma jirin awood lagaga hor tago dadkaas sida sharci daradda uga ganacsan jirey dhuxusha iyo xaabaddaba.

Daraasad ay sameeyeen khubaro ka socota wadanka Ingiriiska sannadkii 1989kii waxaa markii ugu horeysey lagu cadeeyey khatarka ka soo fool leh haddii ay sii socoto ku tiirsanaanta dhirta dhuxusha laga sameeyo. Warbixintii laga soo saaray waxaa lagu sheegay dhawr arrimood oo muhiim oo ah :

Warbixintani waxay keentay in la bilaabo doodo lagu falanqeynayo mar haddii aaney dhirta dhuxusha laga sameeyo dhamaad ku dhawdahay bal sidii loo heli lahaa wax lagu badalo isticmaalka iyo ku tiirsanaanta dhirta .. Hase haaatee, arrimahan ma aysan sii socon sobobta oo burburkii ku yimid xukuumaddii iyo dagaaladdii sokeeye eek u xigay socdana ilaa maanta.
1991 iyo intii ka dembeysay waxaa soo if baxay in inkastoo baahiddii dhuxusha ee magaalooyinka waaweyn gaar ahaan Muqdishu ay hoos u dhacday intii u dhaxaysay 1991 – 1996, waxaa ka bilowday Soomaaliya iiyo Somalilandba in dad ganacsato ahi dhoofiyaan dhuxusha, taas oo aad u korodhay ilaa 5-10 sanno ee u dambeeyey, gaadhayna heer ay khatar galiyaan nolosha dadka

Warbixin Ururka Ekolojiyadda Soomaaliyeed (Somali Ecological Society ) ay ka soo diyaariyey Somaliland iyo Soomalliya sannadahii 1999-2000 wuxuu ururku warbixintaas ku cadeeyeen:

Gebo-Gebo

Waxaa haboon

 

RAADRAAC (References)
Somali Ecological Society (1998) Enviromental Fact Finding Mission Report to Southern Somalia, SES

Somali Ecological Society (1999) Enviromental Fact Finding Mission Report to Somaliland and North East Somalia (Puntland), SES

Somali Ecological Society (2001) SES Newsletter, issue two. SES

Somali Ecological Society (2005) Project Proposal documents, SES

© 2007 Somali Ecological Society (SES) - All Rights Reserved© built by The Green Woodsman 2007